Featured post

IFOW ARLAADI SCHOOL Technology Center

Ifow Arlaadi School Technology Center is in Baidoa-Somalia. we teach you computer, english, somali, math, health. and computerized accounti...

Saturday 2 July 2016

sargalka Ciidamada booliiska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee dalka Bangaladhesh ayaa asiga oo u waramaya weka ifow.blogspot.com ku guuleestay in ay so afjaraan weerar kooxo hubeesan ay xalay ku galeen Maqaayad caan ah oo kutaala magaalada Dhaka gaar ahaan Xaafada Gulshan ay inta badan ku yaalaan safaaradaha.

Weerarkan waxaa fuliyay todobo nin oo katirsanaa kooxda Islaamiga ee Daacish, waxa ayna xoog ku galeen dhismaha Maqaayada caanka ah Holey Artisan, waxaana la sheegay in maqaayadan ay inta badan ka cunteen jireen Diblumaasiyiinta iyo ajaaniibta

Saraakiisha booliiska Bangaladhesh ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkaasi laguna dilay dad gaaraya 20-qof ay ku jiraan ajaaniib, waxa ay sidoo kale ciidamada amaanka toogteen 6-kamid ahaa ragii weerarka fuliyay mid kalana nolosha ayaa lagu qabtay.

Ra'iisul wasaaraha dalka Bangaladhesh , Sheikh Hasina, ayaa si kulul u canbaareesay weerarka ka dhacay magaalada Dhaka, waxa ayna ku hanjabtay in dalkeeda ay ka ciribtireyso kooxaha argagaxsad ah.

Kooxda Daacish ayaa qoraal ays oo saartay ku sheegatay masuuliyada weerarkan ka dhacay maqaalada Dhaka, waxaayna kooxdan horey xubno kamid ah weeraro iyo diall uga fuliyeen qeybo kamid ah dalka Bangaladhesh.

Weerarka lagu qaaday Maqaayada kutaala magaalada Dhaka ayaa socday in ka badan 10-saacadood, waxa ayna ciidamada amaanka markii dambe ku guuleesteen in ay weerarka soo afjaran ayna soo bad baadiyaan tiro yar oo kamid ahaa dadkii la heestay.

Ciidamada booliiska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee dalka Bangaladhesh ayaa ku guuleestay in ay so afjaraan weerar kooxo hubeesan ay xalay ku galeen Maqaayad caan ah oo kutaala magaalada Dhaka gaar ahaan Xaafada Gulshan ay inta badan ku yaalaan safaaradaha.