Featured post

IFOW ARLAADI SCHOOL Technology Center

Ifow Arlaadi School Technology Center is in Baidoa-Somalia. we teach you computer, english, somali, math, health. and computerized accounti...

Saturday 24 December 2016

Israa'iil oo si caro leh uga jawaabtay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka

Maamulka Israa'il ayaa si caro ah uga jawaabtay qaraarkii ee golaha amaanka Qaramada Midoobay kaga dalbaday inay joojiso dhismooyinka sharci darada ah iyo deegaamaynta ay ka waddo dhulka Falastiin ee ay haysato.
Ra'iisul wasaaraha Israa'il Benjamin Netanyahu, oo u muuqday mid ka careesan qaraarka golaha amaanka kasoo baxay ayaa sheegay in maamulkiisa uusan adeeci doonin shuruudaha ku jira qaraarka kasoo baxay golaha amaanka.

Benjamin Netanyahu, ayaa ceeb aan laga fiirsan ku tilmaamay qaraarka kasoo baxay golaha amaanka ee Israa'il lagu eedeeyay, waxaana Maamulka Israaiil wadatashi ugu yeertay safiirada u fadhiya New Zealand iyo Senegal oo kamid ahaa wadamadii gadala ka riixayay qaraarkan.
Afhayeen u hadlay maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amaanka kasoo baxay, waxa uuna sheegay in ay uga dhigan tahay shacabka Falastiin guul usoo hoytayay sharciga caalamiga ah .

Qaraarkan kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la meel mariyya kaddib markii Mareykanka oo aad u taageera Iraa'iil uusan adeegsan diidmada qayaxan, waxaana qararakan niyad jab ku abuuray mamaulka dhul boobka wada ee Israa'iil.