Featured post

IFOW ARLAADI SCHOOL Technology Center

Ifow Arlaadi School Technology Center is in Baidoa-Somalia. we teach you computer, english, somali, math, health. and computerized accounti...

Sunday 27 October 2013

Arsenal oo hogaanka sii wada, Liverpool oo guul weyn gaartay iyo Man U oo dirqi ku badisay (Sawirro)



Kooxda Arsenal ayaa guul dhib leh ka gaartay kooxda Crystal Palace, 10-ciyaaryahan oo ay ku ciyaareysay, kadib markii kaarka cas laga siiyay Kabtankooda Arteta oo kubad rigoore aheyd u dhaliyay ka hor inta aan laga saarin ciyaarta.

Arsenal ayaa qaab ciyaareedka ay ku soo bandhigtay garoonka Crystal Palace ay aad uga duwaneyd ciyaarihii hore, kadib guuldaradii Talaadadii ay kala kulantay kooxda Brossia Dortmund kulankii Champions League.

Goolhayaha Arsenal ayaa bad baadiyay kubado halis ahaa oo gool loo fishay, iyadoo uu ahaa geesiga Arsenal.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Arsenal ay neefta ka soo fuqday markii Giroud uu u dhaliyay gool labaad, kadib karoos fiican uu ka helay saaxibkiis Ramsey, dabadeedna uu madaxa ku sii raaciyay.

Arsenal ayaa hogaanka ku heysa 22-dhibcood, waxaana guushan ay uga dhigneyd in wali hogaanka ay baaqi ku sii ahaato oo ay labo dhibcood ku sii heyso.

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Westbromwich Albion oo beryahan laga yaabanaa, waxaana ay ku xaaqday 4-1, goolasha ayaa waxaa saddex ka mid ah dhaliyay Suarez, oo ahaa goolasha loo yaqaano Hatrick.

Sidoo kale Kooxda Manchester United ayaa gurigeeda ay si dhib ah ku badisay, kadib markii kooxda Stoke City oo marti ku aheyd Old Trafford ay goolal kaga naxsatay.

Peter Crouch ayaa Stoke goolasha u furay daqiiqadii 3aad, waxaase u bar bareeyay Manchester Van Persie, hase ahaatee mar kale Stoke ayaa hogaanka ku qabatay kubad Laad xor aheyd.

Hase yeeshee daqiiqadii 77aad ayaa waxaa goolka bar baraha u dhaliyay Wayne Rooney oo ciyaarta ka dhigay 2-2, waxaase labo daqiiqo kadib goolka guusha u dhaliyay Hernandez, waxaana Manchester ay si xaraarug ah ay uga badisay Stoke 3-2.







No comments:

Post a Comment