Featured post

IFOW ARLAADI SCHOOL Technology Center

Ifow Arlaadi School Technology Center is in Baidoa-Somalia. we teach you computer, english, somali, math, health. and computerized accounti...

Tuesday 2 February 2016

Maroodi iyo Lo'gsi uu dagaal dhax maray (Daawo Sawiro yaab leh oo laga soo qaaday)

Sawir qaade lagu magacaabo Kimberly Maurer oo dalxiis u tagay Xeradda lagu xannaaneeyo Duur-joogta ee Massai Mara ee dalka Kenya, ayaa halkaasi kasoo qaaday sawiro soo jiitay indhaha caalamka .

Ninkan Sawir qaadaha ayaa si kadis ah ula kulmay dagaal dhax maraya Maroodi weyn iyo lo'gisi waxaana ninkan uu kaamirada la helay Maroodiga uu hawada sare u qaaday Lo' gisida oo culeeskeeda lagu qiyaasay 500-KG.

Kimberly Maurer oo 56 sano jir a ayaa sheegay in sawiradan uu kasoo qaaday dagaalka dhax marayay Maroodiga iyo Lo'gisiga uu ahaa sawiradii ugu yaabka badnaa uu qaado noloshiisa , waxa uuna tilmaamay in si gaar ah dadka ay usoo jiiteen sawiradan.

Ninkan ayaa horey sawiro kale oo dadku u riyaaqeen waxa uu kasoo qaaday xeryo lagu xananaeeyo duurjoogta kuwaa oo qaarkood kuyaala qaarada Afrika, waxaana sawiradaas kamid ahaa koox Libaaxyo ah oo weeraray kadibna feentay lo' gisi aad u weyn.
By:Teacher Ifow





No comments:

Post a Comment